DAAWO UN: Golaha Amaanka oo Cunaqabateyn horleh saaray Kuuriyada Waqooyi – VIDEO

Kuuriyada Waqooyi (NN) 01/12/2016

Golaha Amaanka ayaa cunaqabateyn kale kusoo rogay wadanka Kuuriyada Waqooyi oo indhawaale waday tijaabinta hubkooda culus sida Nukliyeerka iyo Gantaalada.

Kuuriyada Waqooyi ayaa bilowgii sanadkan tijaabisay bambaanadii ugu cusleyd ee nukliyeer ah oo dalkaasi sameeyo, waxaana si isdaba joog ah u socday tijaabina Gantaalada ridada dheer iyo ku dhexe.

Cunaqabateyntan ayaa la doonayaa in lagu ciqaabo dalkaasi oo horey uga dhego adeegay baaqa uga imaanayey Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Dalalka Maraykanka iyo China oo kamid ah xubnaha joogta ah ee Golaha Amaanka ayaa si gaar ah uga soo shaqeeyey cunaqabateyntan cusub, Maraykanka ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu ka dhaadhiciyo dalka China inuu hoos u dhigo dhuxusha uu kasoo gato wadanka Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriya Waqooyi ayaa waxa hada ugu badan oo ay caalamka u suuq geyso ah dhuxusha oo ay inta badan ka iibiso dalka ay jaarka iyo xulafada yihiin ee China.

Waxaa lagu wadaa in 60% hoos loo dhigo dhuxushii China ay ka iibsan jirtay Kuuriyada Waqooyi taasi oo dhaawac ku keeni karta dakhligii soo geli jiray Kuuriyada Waqooyi.

Comments are closed