Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray magaalada kismaayo

gashandhigaKismaayo (NN) 01/12/2016

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland-Soomaaliya waxaa goor dhaweyd gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ka goroonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland .

Waxaaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada kismaayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya in uu tababar u soo xiro ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya

Wasaaradda gaashaandhiga ayaa wada dadaalo badan oo ay ku dar-dar galinayso howlaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Comments are closed