DAAWO Hollande oo ka harey tartanka Madaxweynaha Faransiiska 2017 – VIDEO

holandFaransiiska (NN) 02/12/2016

Madaxweynaha Faransiiska François Hollande ayaa sheegay in aanu mar kale dib isugu sharaxeyn xilka Madaxweynaha, go’aankiisa ayuu uga dhawaaqey khudbad uu si toos ah uga sii daayey Telefishanka Faransiiska.

– Waxaan go’aan ku gaarey in aanan musharax noqon doorashada imaaneysa 2017 ayuu yiri Hollande …..Bilaha soo socda waxay shaqadeydu ahaaneysaa in aan dalka sii hoggaamiyo.

Shacbiyadda iyo taageerada Hollande ayaa si weyn hoos ugu dhacdey waxaana uu noqdey Madaxweynihii ugu taageerada yaraa ee Faransiiska soo mara. Hollande ayaa doonaya in aanu fursadda ka qaadin xisbigiisa Socialist, si ay u keenaan musharax guuleysan kara.

Madaxweynaha Faransiiska ee hadda Hollande ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyey ee Faransiis ah oo mar labaad aan isa soo sharixin.

Musharaxa loo badinaayo in uu guuleysan karo 2017 ayaa ah François Fillon oo ka socda Xisbiga Jamhuuria, waxaana lagu wadaa in ay kama danbeysta isku arkaan Haweeneyda hoggaamisa xisbiga cunsuriyiinta ee la yiraahdo Marine Le Pen.

Go’aanka Hollande kadib ayaa la is weydiinayaa cidda musharaxa u noqoneysa Socialist Party, taas oo ah mid furan. Waxaa la sheegayaa in ay u badan tahay in uu musharax u noqdo Xisbigaas Raysalwasaaraha hadda Manuel Valls.

Comments are closed