Hoggaamiyeyaasha Afrika oo looga digay dhurashada shisheeyuhu ku hayo kheyraatka Afrika

afrikaAddisababa (NN) 03/12/2016

 

Hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika ayaa looga digay dhurashada shisheeyuhu ku hayo kheyraatka Afrika.

Waxaa lagu booriyay in ay ka hadlaan aadna uga hadlaan dhurashada sida sharci darrada ah ay shisheeyuhu u dhuranayaan qaarada kheyraatkeeda dabiiciga ah.

Waxaa sidoo kale looga digay ganacsiga aan xaqa ku dhisnayn ee shisheeyuhu la leeyihiin qaarada.

Madaxweynaha Machadka African Wildlife Foundation, Kaddu Sebunya ayaa sheegay in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaashu ka hadlaan nidaamka caalamiga ah ee sida khaldan wax looga faaiideysto.

Wuxuu Kaddu Sebunya sheegay in ganacsiga iyo horumarka laga hor mariyo wax kasta isla markaana lagu dhaqmo xaq.

“ Waxaan xornimadeenii ku weynay gumeysteyaal kuwaasoo masiirkeena wax badan oo ka mid ah koontaroolayay .” Sidaa ayuu yiri Mr. Kaddu Sebunya.

Wuxuu intaa ku daray in ay tahay arin murugo leh in tobanaan sano gumeysiga markii laga baxay kadib Afrika ay kusii socoto luminta waxyaabaheedii dhaxalgalka ahaa.

Comments are closed