Godey (estvlive.com) 03/12/2016
Waxana,si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, masuuliyiin heer deegaan ah , masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele, maamulka magaalada goday, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday, dhankooda kooxaha fanka iyo suugaanta ee maamulka magaalad goday ay ku soo dhaweeyeen waftigan, ciyaaraha dhaqanka DDSI.
Soo dhawayn ka dib, waxay waftigan si wada jir ah u booqdeen iskaashatooyinka beeralayda ah ee ku hawlan wax soo saarka dalaga kala duwan, beerahaasi la booqday ayaa laga hirgaliyay tuulada kunka oo ka tirsan degmada goday taasi oo ay waftigani u kuurgaleen geedi socodka wax soo saarka iskaashatooyinkan iyaga oo warbixinana ka dhagaystay xubnaha beeralayda ah.
Comments are closed