Trump oo jebiyey mid kamid ah dhaqamada Diblomaasiyadeed ee Maraykanka

troumMareykanka (NN) 03/12/2016

Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii Jimacada khaka Teleefonka kula hadley Madaxweynaha jasiiradda Taiwan tsai Ing-wen, wada hadalkaas oo xiisad ka dhex abuuri karaa Shiinaha iyo Maraykanka.

Trump ayaa jebiyey mid kamid ah dhaqamada diblomaasiyadeed, kadib markii uu si toos ah ula hadley hoggaamiyaha taiwan. Labada dal ayaan xiriir Diblomaasiyadeed lahayn tan iyo sanadkii 1979, kadib marki Maraykanka iyo dalal kaleba ay xiriirka Diblomaasiyadeed u jareen taiwan.

Sida laga soo xiganayo mid kamid ah shaqaalaha TRUMP, Madaxweynaha Taiwan ayey ahayd qofka soo wacay, taas oo uu u hanbalyeyneysey.

Dalka Shiinaha ayaa Taiwan u arka jasiirad kamid ah dhulkiisa, waxaana loola dhaqmi karaa qaabka Hong Kong ee Ingriisku guumeysan jirey loola dhaqmo.

Taiwan ayaa isu yaqaana Jamhuriyadda Taiwan, laakiin ma helin ictiraaf caalami ah.

Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka Donald Trump ayaan ahayn qof khibrad u leh siyaasadda, ama diblomaasiyadda Maraykanku ku maamusho arrimaha dibadda.

Comments are closed