Taliska Ciidanka Badda Puntland oo Sheegay Inaysan Weli Qabsan Degmadda Qandala

qandalaQandala (NN) 04/12/2016

Taliyaha Ciidamada Badda  Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay ineysan weli qabsan degmadda Qandala oo ay kaabi ku hayaan

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamadda Puntland ay hadda ku sugan yihiin Meel u dhexaysay degmadda Qandala iyo Toga afbashaashin oo shalay dagaal ku dhexmaray iyaga iy o 45 km jiraan degmada Qandala ee gobolka Bari oo ah degmo ay haystaan maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish.

“ Xiligan waxaanu ku sugan nahay inta u dhaxaysa Qandala iyo Afbashaashin, 45 ilaa 50km, maadaama qandala galayno, in dhulka la sifaynayo, markaan howshaas ayaanu ku mashquulsanahay, si deg deg ah ayaan u galaynayo” ayuu yiri taliyaha Ciidamadda Badda

Gees kale,Taliyaha Ciidamada Badda Dowladda Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa beeniyey war sheegayey in ciidanka Puntland ay dib u qabsadeen magaalada Qandala ee gobolka Bari.

[AdSense-B]

“Waan maqlay in idaacadaha qaarkood ay sheegayaan qof sheeganaya Taliyaha Ciidanka Badda qabsaday Qandala oo xaga Badda ka galeen ,arrintaas waxaan leenahay war jira ma ahan qof aan naqaanana ma ahan ,warka sugan Insha Allaaahu aniga uun baad aga qaadan doontaan””ayuu yiri

Nin sheegtay inuu yahay taliyaha ciidamad badda Puntland  oo lagu Col. Cabdirisaaq Caynab Cali(Xaayow), ayaa waraysi uu siiyay BBC-da, wuxuu sheegay iney qabsadeen magaalada Qandala taasoo uu beeniyey Taliyihii dhabta ahaa ee Ciidanka Badda.

Comments are closed