DAAWO Austria: Xisbigii Cunsuriga oo looga guuleystay Doorashadii Madaxweynaha – VIDEO

asurtaliaAustralia (NN) 05/12/2016

Murashax Alexander Van der Bellen ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Austria, isagoo si weyn uga guuleystay Murashaxa Xisbiga Cunsuriga ah ee Mr.Norbert Hofer.

Alexander Van der Bellen ayaa si weyn ugu ololeenayey in dalka Austria uu kasii mid ahaado Midowga Yurub, isla markaana lasoo dhaweeyo dadka Qaxootiga ah ayaa waxaa si weyn u taageerayey xisbiyada garabka bidix gaar ahaan xisbiga Cagaarka (Green Party) ee bay’ada u ololeenaya kaasi oo uu horey usoo hogaamin jiray.

Dhinaca kale Hogaamiyaha xisbiga Cunsuriga ee Norbert Hofer oo horey loo saadaalinayey inuu codod badan heli doono ayaa helay in ku dhaw 46% cododka, halka ninkuu la tartamayey uu helay in ka badan 53% cododka.

[AdSense-A]

Doorashada Madaxweynaha Austria ayaa saadaalin u ahayd awooda iyo taageerada xisbiyada Cunsuriyiinta ay ku leeyihiin dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, Mr.Hofer ayaa si weyn uga soo horjeeday dadka qaxootiga ah gaar ahaan Muslimiinta, wuxuuna hadii uu doorashada ku guuleysan lahaa uu noqon lahaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee garabka Midig iyo xagjiriinta Yurub ee xil sare ka qabta dal kamid ah EU-da.

Comments are closed