DAAWO Italy: Shacabka oo Qaadacay Aftidii bedalida Dastuurka & Raysalwasaare Renzi oo iscasilay – VIDEO

italyItaly (NN) 05/12/2016

Raysalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilayo kadib markii inta badan shacabka ay diideen aftidii Axadii shalay loo qaaday in isbedal lagu sameeyo Dastuurka, arrintaasi oo uu u ololeenayey Raysalwasaaraha.

Aftidan ayaa ahayd in isbeda lagu sameeyo Aqalka Sare ee wadankaasi isla markaana la wiiqiyo awooda Maamul gobaleedyada dalkaasi arrintaasi oo uu sheegay Raysalwasaaraha inay ka caawin doonto inuu sameeyo isbedal dhanka dhaqaalaha ah. Raysalwasaare Matteo Renzi ayaa khaladka siyaasadeed uu sameeyey lagu tilmaamay inuu kahor aftida uu sheegay hadii ay shacabka u codeeyaan diidmada Aftidan inuu xilka ka degi doono, arrintan oo keentay in dad badan ay u codeeyaan MAYA.

In badan oo kamid ah shacabka Talyaaniga ayaa aaminsan in aftidan ay ahayd mid wakhti dhumis ah isla markaana xukuumada talada heysata ay marmarsiinyo uga dhiganeysay inay ku fashilantay inay wax ka qabato musuq maasuqa dalkaasi ka jira iyo hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha gaar ahaan dakhliga soogala dadka dabaqada dhexe ah.

[AdSense-B]

Matteo Renzi ayaa maanta waraaqdiisa istiqaalada u gudbin doona Madaxweynaha, waxaa dhici karta in Madaxweynaha uu markale ka codsado Raysalwasaaraha inuu xilka siihayo isla markaana uu Baarlamaanka weydiisto codka kalsoonida. Matteo Renzi ayaa horey u heystay taageerada aqlabiyada Baarlamaanka balse ku dag dagay inuu kursigiisa ku xiro aftida loo qaadayey Dastuurka.

Comments are closed