Bernard Cazeneuve oo loo magacaabey Raysalwasaaraha Faransiiska

bernardFaransiiska (NN) 06/12/2016

Wasiirkii arrimaha gudaha ee Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa loo magacaabey Raysalwasaare kadib Manuel Valls, sida laga soo xiganayo Madaxweynaha Faranskiiska François Hollandes.

-Waa shakhsi hal adeyg leh, khibrad dowladnimo leh, ayuu yiri shakhsi ku dhaw Madaxweynaha oo faallo ka bixiyey magacaabidda Bernard Cazeneuve.

[AdSense-B]

Manuel Vallas oo ka degaya xilka raysalwasaaraha ayaa maalintii shalay ku dhawaaqey is-casilaadiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in uu doonayo in uu madaxbananaado tartanka Madaxweynaha Faransiiska, ee xisbigiisa Socialist Party.

Bernard Cazeneuve ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska tan iyo sanadkii 2014, waxaana uu si gaar ah uga masuul ahaa la dagaalanka argagixisada.

Comments are closed