Dhulgariirkan ayaa awoodiisa lagu qiyaasay 6.4 wuxuuna deegaankaasi ku dhuftay wax yar kahor intaan la tukan Salaada subax.
Waxaa weli socda gurmadka loogu jiro dadka ku jiray daaraha burburay, waxaana lagu soo waramayaa in guryaha burburay ay aad u badan yihiin.
Illaa iyo hada dowlada Indonesia waxay sheegtay in dhimashada ay gaareyso 26 qof balse waxaa la filayaa in tirada intaasi ka badato maadaama uu weli socdo gurmadka.
Gobalka Aceh ayaa ah halkii khasaaraha ugu badan soo gaaray dhulgariirkii dhacay isla bishii December ee sanadkii 2004, kadib markii hirarka bada ee Tsunami ka dhashay dhulgariirka ku fataheen gobalkaasi oo ay ku dhinteen xiligaasi dad ka badan 80 kun oo qof.
Comments are closed