Heshiiskii hakinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo qaadista Cunaqabateynta saarneyd dalkaasi ayaa ahayd mid ay si weyn uga shaqeysay Xukuumada Madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama, balse Trump ayaa xiligii uu ololaha ku jiray sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid khaldan isla markaana uu laali doono hadii uu xilka qabto.
[AdSense-A]
Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani oo markii ugu horeysay digniin toos ah u diray Donald Trump ayaa sheegay in hadii Maraykanka uu ka baxo heshiiskii ay horey u wada galeen ay iyaguna diyaar u yihiin inay jawaab adag oo qalafsan ka bixin doonaan, wuxuuna ku tilmaamay Maraykanka dal mar walba cadow ku ah IRAN isla markaana ay ill gaar ah ku hayaan.
Hadalada kulul ee kasoo baxaya Tehran ayaa kusoo beegmay xili Trump uu soo xulayo Golihiisa Wasiirada, wuxuuna Madaxweynaha cusub ee Maraykanka doonayaa inuu xilka Wasiirka/Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka u magacaabo Jeneraalka shaqada ka fariistay ee Gen.James N. Mattis oo lagu naynaaso MAD DOG, Jeneraalkan ka tirsanaan jiray Taliska Marineska Maraykanka ayaa kamid ah dadka sida weyn ugu ololeeya in Maraykanka uu duulaan militari ku qaado IRAN, wuxuuna Gen.Mad DOG kamid yahay xubnaha xiriirka dhaw laleh Dowlada Israel.
Comments are closed