Hoggaamiyaasha Madasha Qaranka oo shir deg-deg ah isugu yimid

qarankaMuqdisho (NN) 07/12/2016

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa maanta ka furmey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha madasha Qaranka. Shirkan waxaa iyaguna ka soo qaybgalay wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo guddiga Doorashoiyinka ee heer Federaal.

Shirka waxaa ku sugnaa maanta:

  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,
  • Raysalwasaare Cumar Cabirashiid,
  • Guddiimiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari,
  • Rayslawasaare -kuxigeen Maxamed Cumar Carte,
  • Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam,
  • Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed,
  • Madaxweynaha Hirshabeele Cabdullaahi Cosoble,
  • Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xuseen Camey,
  • Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo weliba xubno kale.

[AdSense-A]

Shirkan oo uu ku baaqey ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya ayaa looga hadlayaa in la helo wakhti sax ah oo doorashadu ku dhacdo iyo xalinta khilaafka ka taagan saddex xubnood oo kamid ah Aqalka Sare kuwaas oo horey loogu gartey in ay ka yimaadaan beelaha dega Sool iyo Sanaag, kuwaas oo la raaciyey 11 Xubnood ee ku magacaaban Somaliland.

Saddex xubnood oo ay leeyihiin beelaha hartiga ee dega Sool iyo Sanaag iyo Beesha Fiqi Shinni ayaa lagu go’aamiyey midkamid ah shirarkii Madasha Qaranka, Qoraal uu soo saarey Afhayeenka Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu isku dayey in uu wax ka beddelo go’aankii Madashu horey u gaartey kaas oo lagu tilmaamey mid aan sharci ahayn. Beelaha Dirta Waqooyi ayaa qaadacey shirarkii u danbeeyey ee Madasha, inkasta oo shirkii maanta uu fadhiyey Raysalwasare ku-xigeenka.

Caqabadan ayaa ah mid taagan taas oo maamulka Puntland gebi ahaanba u joojiyey doorashooyinkii socdey, waxaana Muqdisho u yimid Afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo labaduba ka soo jeedaan gobolada Sool, Cayn iyo Sanaag.

Waxaa lagu wadaa in qodobkan laga gaaro isu tanaasul labada dhinac ah si loo dedejiyo doorashada Xildhibaanada dhiman oo ka badan 40%.

Comments are closed