DAAWO Donald Trump oo la siisey abaal marinta Shakhsigii Sanadka -VIDEO

trrrMareykanka (NN) 08/12/2016

Wargeyska weyn ee Time ayaa u doortey Donald Trump in uu noqdo shakhsiga sanadka (Person of the year)

Wargeyska Time ayaa tan iyo sanadkii 1927 wadey in uu bixiyo abaal marinta shakhsiga sanadka, wanaag iyo xumaan kii uu caan ku noqdeyba sanadkaasu

Time ayaa magacabidda shakhsiga sanadka ku sababeysa, saameynta shakhsigu dhacdooyinka sanadkaas ku yeeshay, waxaan lagu muran saneyn in Donald Trump noqdey qofki 90 ee joornaalku siiyo tan iyo sanadkii 1927.

 

[AdSense-A]

Hoggaamiyaasha hadda ka hor Time Magazine ay u aqoonsatey shakshiga sanadka waxaa kamid ahaa Adolof Hitler, Josef Stalin, Mahatma Gandhi iyo weliba Mustashaarka Jarmalka Angela Merkel.

person_of_the_year

Trump oo maanta la hadley barnaamijka Today ee NBC ka baxay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay laakiin aanu ku qanacsaneyn qoraalka Time isticmaaleen ee ah President of The Divided States of America, halka ay ka ahayd President of United States of America, wuxuu qirey in dalkiisu kala qaybsan yahay, laakiin wuxuu sheegay in aanu isagu masuul ka ahayn kala qaybsanaanta.

Comments are closed