DAAWO Raysalwasaaraha Talyaaniga oo is-casilaadiisa soo hormariyey -VIDEO

renzi-1Italy (NN) 08/12/2016

Raysalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ku dhawaaqey caawa oo arbaca ah in uu iscasiley, isaga oo fariin soo mariyey bartiisa Twitterka, waxaana uu si rasmi ah isu casiley 7 fiidnimo xiliga Talyaaniga.

Legge di bilancio approvata. Alle 19 le dimissioni formali. Grazie a tutti e viva l’Italiahttp://www.governo.it/sites/governo.it/files/slide-leggebilancio2017.pdf 

Waxaa lagu wadey in uu iscasilo maalinta Jimacada ah, kadib markii Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella uu weydiistey in uu xafiiska sii joogo maalmo si uu demiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka. Renzi ayaa is casiley kadib markii Baarlamaanku ansixiyey Miisaaniyadda 2017.

Habeenimada Caawa ah ayaan dalka Talyaanigu lahayn Raysalwasaare, Waxaana Matteo Renzi waraaqdii is-casilaada u gudbiyey Madaxweyne Sergio Mattearella.

[AdSense-A]

Renzi ayaa horey u sheegay haddii aftida dadweyne ee wax looga beddalaayey Dastuurka dalkaas NO loo codeeyo in uu xilka baneynaayo, waxaana Talyaanigu si weyn ugu codeeyeen Axaddii NO.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu soo magacaabo raysalwasaare kumeel gaar ah kaas oo qabta doorashooyin xiligeedi laga soo hormariyey.

Comments are closed