Golaha wasiirada Jubbaland oo ka dooday sidii loo kordhin lahaa mushaarka ciidanka

jubbaland-5Jubbaland (NN) 08/12/2016

Shirka Golaha Wasiirada maamulka  Jubbaland – Soomaaliya waxaa Shir Gudoomiyaya Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana kazoo qayb galay inta badan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn.

 

Wasaarada Amniga ayaa soo bandhigtay qorshaha tayaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka oo ay kamid tahay kordhinta Mushaaraadka iyo gunooyinka ay Askartu qaatan iyadoo Golahu uu ka dooday waxaana la isku raacay in la kordhiyo mushaaradka ay qaatan Ciidamada gaar ahaan Hay’adaha amaanka iyadoo qorshahan loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

[AdSense-A]

Wasaaradaha kala ah Hawlaha guud iyo dib u dhiska, iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa iyana soo gudbiyay qorshe hawleedka Sanadka Cusub ee inagu soo fooda leh si looga dodo inta uunan dhamaan sanadka 2016 kadibna aysan hawlaha Dowladu u istaagin gaar ahaan arimaha Qorshaynta.

Sidoo kale Golaha waxaa ay soo bandhigeen waxyabaha laga yeelayo xubnaha Golaha ee Safarada ama socdaalada aan la qorshayn dalka kaga maqan iyadoo hab raaca Golaha uu qabo in xubin kamid ah Golaha Wasiiradu uuna maqnaan Karin Saddex kulan oo isku xiga hadii aysan jirin Hawlo shaqo oo uu maamulka ugu maqan yahay ama arimo gaar ah.

Comments are closed