Munaasabada Xuska Dhalashada Nabigeenna Suuban NNKH Oo Siwayn Looga Xusay Jigjiga.

xuska-nabigaJigjiga (estvlive.com) 11/12/2016

Waxaa  maanta guud ahaana caalamka islaamka  looga dabaal dagay munaasabada xuska dhalashada sanad guurada 1491 ee Nabi Muxamed (NNKH) ee 12ka  bisha mowlid oo ah   sanadka hijirada 1438, taasi  oo guud ahaanba dalkeena itoobiya iyo deegaankaba  siwayn looga xusayo  gaar ahaana caasimada deegaanka ee jigjiga.

xuks1Hadda, Munaasabadii dabaaldaga dhalashada Nabiga NNKH oo saaka ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada  DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta sare ee  golaha arimaha islaamka DDSI, Qaybaha kale duwan ee bulshada sida odayaasha garaadada iyo suldaanada. Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayntii lagu furay nashiidooyin iyo xaadiisyo ka turjimyada taariikhdii nabigeena suuban NNKH iyo guud ahaanba nolosha macaan ee diinteena islaamka.

xuska3Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo jeediya khudbad dheer oo ku qotonta ahmiyada ay leedatay xusitaanka dhalashada Nabi Muxamed NNKH.Madaxwaynaha DDSI ayaa sharax dheer ka bixiyay in diinta islaamku tahay diin nabadgalyo. Balse ay jiraaan Kooxo gabaad ka dhiganaya diinta islaamka loona baahan yahay in dareen foojigan laga yeesho layskana  ilaaliya xagjirnimada iyo wixii la halmaala. wuxuuna madaxwaynaha DDSI  ka warbixiyay cadaadisyadii yo cabudhiskii ee dalkeena itoobiya ay ku soo hayn jireen boqortooyadii iyo kaligii taliskii dhiigyo cabka ahaa kuwaasi oo shucuubta iyo qoomiyadaha dalka u diiday in ay horumariyaan diintooda dhaqankooda iyo noloshoodaba.

 

xuska5Waxaa kale oo ka hadlay ahmiyada ay maalintani u leedatay guud ahaanba caalamka islaamka gudoomiyaha arimaha islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdirahmaan Xuseen wuxuuna si qoto dheer uga waramay iftiinta iyo nolosha macaan ee diinta islaamka taariikhtii macaanayd ee noloshii Nabigeena NNKH. waxaa kale oo uu sheekhu hoosta ka xariiqay in deegaanka somalida itoobiya guulo waawayn ka gaadhay dhinaca horumarinta diinta islaamka. Sheekha ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan kooxo iyo shakhsiyaad gabaad ka dhiganaya diinta islaamka laakiin ka fog xaqiiqda dhabta ah ee diinta islaamka isaga oo sheekhu tilmaamay siyaabaha looga foojignaan karo kooxahaasi.

Comments are closed