Sharmaarke, Gaas, Faroole iyo Juurile oo Garoowe ku shiray

faroole_gaas-1Garoowe (NN) 12/12/2016

Subaxnimadii maanta waxaa shir iyo quraac kuwada yeeshay magaalada Garoowe siyaasiyiin ta kala ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cabdirisaaq Cismaan Juurile.

Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Musharax madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole, waxaa uu ahaa mid sadex geesood oo la aaminsan yahay in looga hadlaayey doorashada iyo Musharaxiinta qaarkood doorkooda.

AdSense-B]

Shirkan oo socday ku dhowaad 6 saacadood oo ka bilowmay markii ay wada quraacdeen , waxaa uu ahaa mid ay saxaafadu dibad joog ka ahayd, laakiin xogta aan helayo waxay sheegayaan in ay ka hadleen istraatiijiyadda doorasha.

Muddooyinkii danbe waxaa soo baxaayey in madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo musharax ah uu si weyn uga soo horjeedaan raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo isaguna ah musharax, kuwaas oo mar ahaa kuwo aad isugu dhaw, Waxaa jira warar soo gaarey Horseed Media oo sheegaya in ay jiraan siyaasiyiin u kala dabqaadey Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweynaha weli xafiiska fadhiya Xasan Sheekh Maxamuud oo u ballan qaadey in Dr. Faroole uu la raadinaayo xilal kale oo ay kamid tahay Xoghayaha Guud ee IGAD oo Soomaaliya sanadka danbe u sharaxantahay. Dr. Faroole ayaa la aaminsan yahay in uu xubno taageersan ku lee yahay Xildhibaanada cusub ee Garoowe lagu doortey.

Shirkan oo war faah-faahsan laga hayn ayaa u muuqda mid labada Musharax ee Faroole iyo Cumar Cabdirashiid ay ku gor-gortamayaan oo ay isku dayayaan in ay xaliyaan waxa u dhexeeya.

Comments are closed