Hay’ada UNICEF Oo 15 Gaadhi Ku Wareejisay Xukuumada DDSI.

0000ahel1Jigjiga (estvlive.com) 13/12/2016

xaflad ay haay’ada UNICEF ku wareejinasay 15  gaabuur oo loogu talagalay adeega caafimaadka ee ay bixiyaan   kooxda   caafimaadka  wareega ee DDSI (mobile health team)   ayaa ka dhacday barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI .

0000ahel2xafladan oo uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa  ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid tahay wasiirka xafiiska biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe  ee XDSHSI  lehna awooda madaxwayne ku xigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, masuuliyiinta ugu saraysa hay’ada UNICEF dalkeena itoobiya oo ay ka mid tahay  agaasimaha guud ee hay’ada Unicef u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio iyo masuuliyiin kale.

Xafladan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay wasiirka xafiiska biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awooda madaxwayne ku xigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta hay’ada UNICEF ee baabuurtan ugu deeqday in ay ka qayb-qaataan adeegyada caafimaadka DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ay bixiyaan kooxda caafimaadka wareegta. Wasiirka ayaa ka warbixisay ahmiyada ay leeyihiin baabuurtani waxayna sheegtay in ay kaalin balaadhan ka qaadanayaan dadaalada loogu jiro kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka iyo dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee DDSI.

0000ahel3Dhankiisa wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka hadlay xafladan ayaa siwayn ugu mahad celliyay hay’ada UNICEF ee gawaadhidan  ku deeqday xukuumada DDSI gaar ahaan adeegyada caafimaadka in ay ka qayb-qaataan. Wasiirka ayaa sheegay in ay haya’da UNCEF ay siwayn uga qayb qaadato hirgalinta adeegyada caafimaadka ee DDSI wuxuuna sheegay wasiirku in ay gawaadhidani ka qaybqaadanayaan adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada reer-guuraaga ah iyo kuwa ku nool goobaha ka fog fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka. Wasiirka ayaa sheegay in ayna ahayn markii ugu horaysay ee ay hay’ada UNCEF soo gaadhsiiso gawaadhi kooxda caafimaadka wareega ee DDSI balse ay  jiraan gawaadhi kale oo ay hore u soo gaadhsiisay.

0000ahel4Dhankeeda agaasimaha guud ee hay’ada UNCEF u dhaliya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio  oo ka hadashay xafladan ayaa  ka warbixisay ahmiyada baabuurtan u leedahay adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega ay bixiyaan  kooxda caafimaadka wareega ee loogu talagalay baabuurtan. waxayna sheegtay in haya’da UNCEF  diyaar u tahay ka qayb-qaadashada dadaalada ay xukuumada DDSI ku hirgalinayso hawlaha horumarka gaar ahaan adeegyada caafimaadka gawaadhidana ay ka mid yihiin ka qayb-qaadashada adeegyada caafimaadka DDSI.

0000ahel5Gabagabadii xafladan ayaa waxay agaasimaha guud ee haayada UNCEF u fadhiya dalkeena itoobiya marwo Marisa Ricardio ku wareejisay furayaashii 15 gaadhi wasiirka xafiiska biyaha ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI  lehna awoodo madaxwayne ku xigeen marwo fartuun cabdi mahdi iyada oo dhanka kale wasiirka xafiiska biyaha iyo wasiirka xafiiska caafimaadku ay siwada jir ah u gudoonsiiyeen haayada UNCEF shahaado sharaf muujinaysa dadaalka ay hay’adu kaga qayb-qaadanayso adeegyada caafimaadka DDSI.

Comments are closed