“In Somalia ay 47-sano kaddib doorashooyin ka dhacayaan waa arrin guul ah, taasoo lagu gaaray biseylka siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku taallaabsatay, Waxaana ku Ammaanayaa Maamul-goboleedyada iyo guddiga doorashooyinka sida ay u guteen Waajibaadkooda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
[AdSense-B]
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray. “Qorshaheennu waa in fadhigii u horreeyay ee Labada Aqal ee Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya uu furmi doono 15-ka bishan, Gacantana lagu hayo Hawshaas, wuxuuna faray maamulka Baarlamaanka inay dadajintaan Qabsoomidda kal-fadhiga koowaad oo ay dhaarinta xildhibaannada ay ka mid tahay.”
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan siiyaan walaalahooda ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.
Ugu dambeyn, Hadalka Xasan sheekh ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Somalia ay wajaheyso doorashada Madaxweynaha Cusub oo dhici doonta dhamaadka bishan lagu jiro ee December iyo Abaaro saameyn weyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed.
Comments are closed