DAAWO Booqashadii Xasan ee Safaarada Imaaraadka iyo Xiisada Doorashada Madaxweynaha – VIDEO

xasan-imaaraadkaMuqdisho (NN) 14/12/2016

Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho shalay ku tagay safaarada Dowlada Imaaraadka ay ku leedahay magaalada Muqdisho iyo waliba isbitaalka ay dowladaasi ka dhistay caasimada.

Booqashada Madaxweynaha ee goobahaasi ayaa lagu sheegay mid lagu beeninayo warar todobaadyadii lasoo dhaafay isa soo tarayey oo la xariira in xiisadi ka dhex taagan tahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo markale xilka u tartamaya iyo waliba dowlada Imaaraadka oo la hadal hayo inay iyadu taageerayso murashaxiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha talada ka degaya.

[AdSense-A]

Xasan Shiikh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka isagoo bogaadiyey mashaariicda dowlada Imaaraadka ka wado dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in isbitaalka Imaaraadka maalin walba lagu daaweeyo dad gaaraya 300 oo Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in booqashadiisan Safaarada Imaaraadka ay tahay mid uu ku muujinayo ama ku beeninayo inaysan waxna ka jirin wararka soo baxayey ee sheegaya khilaafka u dhaxeeya shaqsiyan isaga iyo dowlada Imaaraadka oo ay dadka qaarkiis hadal hayaan inay taageerayso murashaxiinta la loolamaya Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu xarun ka dhigtay, waxaana sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar bambaano oo lala beegsaday saraakiil u shaqeeya Safaarada Imaaraadka.

Comments are closed