DAAWO Egypt: Daacish oo sheegatay weerarkii Kaniisada Qaahira – VIDEO

qahiraMasar (NN) 14/12/2016

Warbaahinta taageerta Kooxda Xagjirka ah ee Daacish ayaa sheegatay in kooxdaasi ka danbeysay weerarkii Axadii lasoo dhaafay lagu qaaday Kaniisada ugu weyn magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Weerarkaasi ismiidaaminta ah ayaa waxaa ku dhintay 29 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ku dhaw 50 qof oo u badnaa dadkii ku sugnaa gudaha kaniisada xiliga qaraxa uu dhacay.

Wiil 22 sano jir ah ayaa la sheegay inuu isagu fuliyey weerarka, kaasi oo isku dhexqariyey dadkii u tagay kaniisada inay ku cibaadeystaan, waxaana la sheegay in ninkaasi uu horey uga mid ahaan jiray Ikhwaan Muslimiinka balse dhawaan ku biiray kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

Inta badan dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa aas Qaran loo sameeyey Isniintii doraad, xukuumada Masar ee Cabdifatax Al Sisi ayaa sheegtay inay tilaabo adag ka qaadi doonto kooxihii weerarkaasi ka danbeeyey.

Comments are closed