Dowlada Turkiga iyo Ruushka oo ah xulafada xukuumada Siiriya ayaa ku dhawaaqay inay maanta dhaqan galeyso xabad joojin kooban oo loogu talo galay in dadka shacabka ah ee ku sugan weli xaafadaha bariga magaalada Xalab inay halkaasi isaga baxaan, sidoo kale dadka dhaawaca ah iyo eheladooda ayaa lagu waday in halkaasi laga saaro, hase yeeshee weli laguma guuleysan in dadka rayidka ah goobahaasi laga daadgureeyo.
[AdSense-A]
Warar laga helayo dad weli sugan gudaha xaafadaha ay dagaalada ka socdaan ayaa sheegaya in askarta Dowlada Siiriya ay dilayaan dadka rayidka ah oo ay ku qabtaan goobaha ay la wareegeen, arrintaasi oo ay beenineyso xukuumada Siiriya iyo waliba dowlada gacanta siineysa ee Ruushka.
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujineysa xasuuq baaxadleh oo ka dhaca magaalada Aleppo hadii dhulkaasi u gacan galo guud ahaan dowlada Siiriya, balse weli laguma guuleysan in qaraar laga soo saaro Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay maadaama Ruushka uu awoodiisa VETO u adeegsaday go’aan walba oo ku aadan dalka Siiriya.
Comments are closed