Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarka mashruucan biyogalinta ka hadlay ayaa sheegay in wajiga 1aad ee mashruucan oo ah birqod ilaa gunagado laga faraxashay islamarkaana uu mashruucan oo dhan 50km uu 5km leeyahay goob biyood loogu talagalay inay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, Isagoo bulshada kula dardaarmay inay ilaashadaan. Kadibna maxadawaynaha oo hogaaminaya waftigiisa ayaa soo kormeeray goobaha laga sameeyay kaydadka biyaha iyo waliba ceelashii horay loo qoday iyo kuwii la macaaneeyayba.
Dhanka kalana shacabka degmada gunagado oo soo dhaweeyay xadhig kajarka mashruucan islamarkaana siwayn ubogaadiyay ayaa balan qaaday inay ka faaiidaysanayaan mashruucan islamarkaana ilaashan doonaan,.
Comments are closed