DAAWO( Trump oo kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Tiknolijiga – VIDEO

trump-tiknolijiga-shir1Mareykanka (NN) 15/12/2016

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa kulan khaas ah kula yeeshay xaruntiisa New York Madaxda iyo Agaasimayaasha Shirkadaha waaweyn ee Tiknolijiga kuwaasi oo qaarkood horey xurguf uga dhaxeysay.

Trump ayaa kulankan sheegay inuu ahaa mid ay isku baranayeen mas´uuliyiinta Shirkadaha waaweyn ee dalkaasi Maraykanka oo uu doonayo inay mustaqbalka kala shaqeeyaan xukuumadiisa dib u habeynta iyo casriyeynta hay´adaha dowlada.

 

 [AdSense-B]

Wuxuu Donald Trump sidoo kale doonayaa in shirkadahan ay gudaha Maraykanka ka sameeyaan shaqo abuuris iyagoo dib ulla soo noqonaya shaqooyinka ay u xawileen dalalka kale, Trump ayaa horey u sheegay inuu canshuur dhaaf u sameyn doono shirkadaha waaweyn hadii ay warshadahooda iyo xarumahooda ka dhigtaan dalka Maraykanka.

Qaar kamid ah mas´uuliyiinta shirkadaha uu la kulmay ayaa horey hadalo kulul Twitterka isku dhaafsadeen Trump xiligii uu ahaa murashaxa, waxaa sidoo kale xusid mudan in Madaxa Shirkadaha Twitterka aan isagu lagu casumin shirkan khaaska ah.

Comments are closed