Kulan Qiimayn Ah Oo Ku Aadan Bangiga Horumarinta Dalka JDFI laamihiisa DDSI

vxsa02Jigjiga (estvlive.com) 15/12/2016

Kulan qiimayn ah oo ay shirgudoon ka ahayd Madax- wayne kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khyraadka Dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax sidookalana ah gudooomiyaha gudiga adeega daymaha aan ribada lahayn ee uu maamulo bangiga horumarinta itoobiya

vxsa01kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubnaha gudiga heerdeegaan iyo xubno kasocday laamaha bangigu uu kulee yahay maamul magaalooyinka Deegaanka, isagoo kulanku kusaabsanaa qiimaynta adeegyada daymaha aan ribada lahayn ee bangiga horumarinta itoobiya laamihiisa DDSI iyadoo xooga lagu saarayay sidii meesha looga saari lahaa goldaloolada iyo caqabadaha kajira dhanka bangiga iyo adeeg bixintiisa si bulshada deegaanku ay si buuxda uga faa’iiidaystaan daymaha aan ribada lahayn si loo yareeyo saboolnimada.

Hadaba, Kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Axmed Shugri oo sheegay in bangiga horumarinta ethiopia uu laamo kuleeyahay afar maamul magaalo oo deegaanka ah kuwaasoo kala ah  jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar iyo goday islamarkaana sanadkan 2009 TI uu u hayo bulshada magaalooyinkaas miisaaniyad lacgeed oo dhan 4 boqol oo Milyan.

Wuxuuna intaa kudaray in wakhtiga kadhiman sanadkan 2009ka larabo in laga faaiidaysato dhamaan miisaaniyada looqoondeeyay. Wuxuuna ku booriyay dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan in laga faaiidaysto daymaha aan ribada lahayn ee bangigu kuhormarinayo bulshada deegaanka gaar ahaan magaalooyinka.

Sidookale, Maareeyaha bangiga horumarinta laantiisa diredhabe Ato Haile oo sheegay in gudigu uu wado shaqooyin aad u wanaagsan oo isugujira wacyigalin iyo qiimayn labadaba.wuxuuna intaa kudaray inuu kurajawayn yahay in bulshada deegaanka soomaalida itoobiya ay siwanaagsan uga faaiidaysan daymaha aan ribada lahayn ee uu bangigu ku horumarinayo bulshada si loo yareeyo saboolnimda.

Iskusoo wada duuboo, Adeega uu bangigu u fidinayo bulshada deegaanka ayaa ah adeeg aan ribo lahayn oo kakooban 2 nooc oo waawayn oo kale ah in warshaduhu qalabka ay u baahanyihiin uu u soo soo gado, in mashaariicuhu lacagta ay kudhaqaaqayaan uu bangigu daboolo iyadoo gudigu si buuxda hoosta uga xariiqay in bulshadu uga faaiidaysato bangiga sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suurtagashan.

Comments are closed