Dagaal ciidammada Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaa hoostaga degmada Kismaayo

bastoKismaayo (NN) 16/12/2016

Madaxweyne ku-xigeen kowaad ee dowlad gobolleedka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal ciidammada Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaan hoosta degmada.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Cabdalla-biroole qiyaastii 50km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, ayaa ka danbeeyay khilaaf gacan ka hadal isku badalay soo kala dhaxgallay dagaalamayaasha Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah kaddib markii ay ku gacan-seyreen bixinta Zakawaat Al-shabaab ay weydiisteen dadka reer miyig ah.

” Dagaalka waxaa uu ka dhacay nawaaxiga deegaanka Cabdalla-biroole, waxaa uu ka bilaawday iska horimaad dhaxmaray markii hore dad xoolo dhaqato ah oo Al-shabaab ay xoog uga qaateen xoolihii ay dhaqanayeen kaddib markii ay ka biyo diideen bixinta wax ay ugu yeeraan Zakawaat oo Al-shabaab ay doonayeen in ay ka qaadaan dadka xoola dhaqatada ah ” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidammada Jubbaland  u gurmaday dadka xoolaha dhaqatada ah ku guuleysteen in ay ka soo furtaan Al-shabaab xoolihii ay kexeysteen oo dib loogu soo celiyay sidda uu hadalka u dhigay gacanta dadkii lahaa.

”Dib ayaan uga soo celinay xoolihii ay qaateen, khasaare ballaaranna waan u geysanay oo dhimasho iyo dhaawacba leh” ayuu yiri mdaxweyne ku-xigeenka.

Ugu danbeyntii, madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ay magacaabeen guddi qiimeyn ku sameyn doona khasaaraha gaaray dada xoola dhaqatada ah si gacan loo siiyo.

Marka laga soo tago hadalka madaxweyne ku-xigeenka lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhaxmaray ciidammada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Comments are closed