Tababar Loo Soo Xidhay Gudiga Anshaxa Degmooyinka Gobolka Faafan

0000amida1Jigjiga (estvlive.com) 16/12/2016

Waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee jigjiga tababar  muddo shan maal-mood ah u socday gudiyada anshaxa degmooyinka gobolka faafan oo uu soo  diyaariyay  xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.

0000amidaTababarkaasi oo ay  ujeedadiisu ahayd  sidii kor loogu qaadilahaa fahanka anshax marinta gudiga anshaxa degmooyinka  ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamuud Maxamed oo sharax dheer ka bixisay ahmiyada uu lahaa tababarku. Waxayna sheegtay wasiirku  si looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarka ee u dajisan dalka iyo deegaanka in la xaqiijinayo nidaamka adeeg bixinta xafiisyada in loo  adeegayaashu  heleen adeegyada ay dawladu bixiso oo fuhan tayana leh. Wasiirka ayaa tilmaantay doorka ay gudiga anshaxa degmooyinku ku leeyihiin ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan deegaanka.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Aadan Xasan  oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarkaasi ayaa ka warbixiyay cashiradii ay qaadanayeen mudadii uu socday tababarku iyo ahmiyada ay uu tababarku lahaa isaga oo ku booriyay in ay cashiradii ay qaateen tababartayaashu marka ay ku noqdaan goobtii shaqo ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan.

Comments are closed