Jaaliyadda DDSI Australia oo Xusay Maalinta Qowmiyadaha Dalka Itoobiya (Sawiro+Warbixin)

ddsi

Jaaliyadda DDSI dalka Australia iyo Masuuliyiinta Sare Ee Safaarada daka Australia ayaa Magaalada Canbera Xuska Munaasabada 11aad ee 29ka hidaar oo ah maalinta qoomiyadaha, Shucuubta iyo dalka itoobiya.

15491455_1353893471322499_1237062269_oJaaliyadda DDSI oo looga bartay in Munaasabadaha heer Qaran iyo heer deegaan oo loo dabaal-dago ay siweyn fagaaraha u soo buux-dhaafiyaan ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Qaar kamid ah Hogaaminta jaaliyadda DDSI Dalka Australia iyo Safiirda Safaarada Dalka itoobiya u fadhida Dalka Australia Marwo Tirfu.

[AdSense-A]

15595811_1353893404655839_347556498_oWaxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Safiirda Marwo Tirfu oo ka warbixsay ahmiyada weyn ee maanta loo xusayo isla markaana ay ka warbixsay Itoobiyada Cusub maanta munaasabadani ku soo beegantahay wakhti uu dalka u jahaystay taaba galinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed.

ddsiSafiirda Marwo Tirfu ayaa Waxey Ammaan u soo jeedisay Xukumdda DDSI uu Hogaamin Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu deegaanka ka hirgaliyay qorshooyinka hormarineed isla markaana isku xidhay Qurbajoogta DDSI iyo xukumadda deegaanka waxaa cadeyn u ah sida weyn ay uga qeyb-qaateen dadaalka xoogan ay ugaleen sidii loo taabo galin lahaa dhameystirka dhismaha Mashruuca Biyo Xidheenka weyn Abay iibsiga Bondhiga oo kaalin weyn ay ka qaateen Qurbajoogta DDSI.

15555507_1353888881322958_1120046449_oQaar kamid ah Hogaaminta Jaaliyadda DDSi oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay in jaaliyadda DDSI dalka Austarlia ay ka Goan tahay dadaalka weyn ay ugu jiraan sidii loo taageeri lahaa xukumadda DDSI uu Hogaamin Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay garab taagan yihiin islamarkaana ay uGu dhiiri galin lahaayeen qurbajoogta in ay deegaan kooda ay maalgashi ku sameysan lahaayeen.

15608523_1861706890773686_953435262_o

Ugu dambeyntii Munaasabada Xuskii 11aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta dalka Itoobiya ayaa ku soo gabagabooday farxad iyo guul jaaliyadda DDSI ayaa hoolka siweyn ay uga dhax-muuqdeen isla markaan Hogaaminta Sare Jaaliyadda DDSI ayaa u mahad celiyay Gudigii Qaban qaadada munasabadan quruxda badan ay soo agaasimeen

Comments are closed