Madaxweynaha Venezuela Nicolas Madura ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqey maalintii shalay ee Sabtida in qorshasha lacag cusub lagu sameyn lahaa dib loo dhigay.
Lacagta dalkaas ee 100 bolivar ayaa dib loo bilaabey in la isticmaalo maalintii Jimacada, in badan oo dadka kamid ahna waxyba la yihiin lacag ay isticmaalaan.
[AdSense-A]
Waxaa dariiqyada magaalaooyinka waaweyn isugu soo baxay dad ka cabanaya lacag la’aanta dalka ka taagan.
Sida laga soo xigtey Madaxweynaha dalkaas Madura 100 bolivar waxaa beddalaya 500 bolivar, laakiin lacagtaas ayaan weli soo gaarin dalka.
Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madura dalka Venezuela ayaa noqdey mid dhaqaalihiisu afka ciida daro iyada oo dalkaasi qani ku yahay saliida cayriin
Comments are closed