Jaaliyadda DDSI Germany oo Xusay Munaasabada Xuska 11aad Maalinta Qowmiyadaha Dalka Itoobiya

g5Frankfurt (estvlive.com) 28/12/2016

Jaaliyadda DDSI dalka Germany iyo Masuuliyiinta Sare Ee Safaarada daka Germany ayaa Magaalada Frankfurt ku Qabtay Xuska Munaasabada 11aad ee 29ka hidaar oo ah maalinta qoomiyadaha, Shucuubta iyo dalka itoobiya.

g3Jaaliyadda DDSI oo looga bartay in Munaasabadaha heer Qaran iyo heer deegaan oo loogu dabaal-dago ay siweyn fagaaraha u soo buux-dhaafiyaan ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Qaar kamid ah Hogaaminta jaaliyadda DDSI Dalka Masuuliyiinta sare ee Safaarada uu Horkacayo Safiirka Safaarada Dalka itoobiya u fadhida Germany Mudane Kuma Demeksa iy Masuuliyiin kale.

15644598_1862139704063738_1206174745_nWaxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Safiirka Mudane Kuma Demeksa oo ka warbixsay ahmiyada weyn ee maanta loo xusayo isla markaana uu ka warbixiyay Itoobiyada Cusub maanta munaasabadani ku soo beegantahay wakhti uu dalka u jahaystay taaba galinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed.

15577577_1862137830730592_580735508_nSafiirka ayaa Waxey Ammaan u soo jeedisay Xukumdda DDSI uu Hogaamin Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu deegaanka ka hirgaliyay qorshooyinka hormarineed isla markaana isku xidhay Qurbajoogta DDSI iyo xukumadda deegaanka waxaa cadeyn u ah sida weyn ay uga qeyb-qaateen dadaalka xoogan sidii loo taabo galin lahaa dhameystirka dhismaha Mashruuca Biyo Xidheenka weyn Abay iibsiga Bondhiga oo kaalin weyn ay ka qaateen Qurbajoogta DDSI Waxeyna maaanta iibsaden Bodhi Qurajoogta DDSI taaso at dhamaan Masuuliyiinta Munaasabada ka soo Qeybgalay ay aad u farxad galisaay.

g2Waxaa kaloo Jaaliyadda DDSI lagu Ammaanay banaanbaxii balaadhan oo ay jaaliyadda DDSI ee  ku nool Caalamka ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Kooxda Ginbood-7 iyo Onag nidaamka federalismka iyo dastuurka dalka itoobiya ay ka soo horjeedaan taaso Jaaliyadda DDSi Germany ay muujiyeen Midnimada itoobiya isla markaana ay safar dheer ay ugaleen in ay ku hor banana-baxaan Xafiiska EU ee dalka Belgiumka ee magaalada Brussels oo halkaasi ay jaaliyadda DDSI Germany ay ka galeen Kaalinta 1aad ay mudan yihiin dhamaan Hogaaaminta jaaliyadda DDSI Germany in lagu doonsiyo Abaal-marin.

15595584_1862137387397303_1298987859_oQaar kamid ah Hogaaminta Jaaliyadda DDSi oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay in jaaliyadda DDSI dalka Germnay ay ka Goan tahay dadaalka weyn ay ugu jiraan sidii loo taageeri lahaa xukumadda DDSI uu Hogaamin Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay garab taagan yihiin islamarkaana ay ugu dhiiri galin lahaayeen qurbajoogta dawlad deegaanka somalida itoobiya ee ku nool dalka Germnay in ay deegaankooda ay maalgashi ku sameysan lahaayeen isla markaana Fursadaha Maalgashi ee ka Jira deegaanka ay uga faaideysan lahaayeen Mudane Cabdulaahi  Axmed Geel-jire oo Khudbad dheer ka soo Jeediyay Kana Warbixiyay Itoobiyada Cusub ee manta.

15595816_1862137340730641_784959000_oUgu dambeyntii Munaasabada Xuskii 11aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta dalka Itoobiya ayaa ku soo gabagabooday farxad iyo guul jaaliyadda DDSI ayaa hoolka siweyn ay uga dhax-muuqdeen isla markaan Hogaaminta Sare Jaaliyadda DDSI ayaa u mahad celiyay Gudigii Qaban qaadada munasabadan quruxda badan ay soo agaasimeen

g2g4

Comments are closed