Laanta danbi baarista Booliiska Magaalada Ottawa ayaa sheegay in ay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dilka loo geystay labada Gabdhood ee Walaalaha ah, waana kiisaskii 23aad iyo 24aad oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Magaaladda Ottowa ee dalkaasi
Gabdhaha la dilay, waxaa lagu kala magacaabaa Nasiiba C/raxmaan Noor oo 23 jir ahayd iyo Asma C/raxmaan Noor oo 32 jir ahayd , waxaan dilkooda geystay sida la sheegay dhalinyaro la sheegay in haatana gacanta lagu hayo oo lagu tuhmayo in ay ka mid ahaayeen kooxihii dilay labadaasi Marxuum.
Boolisku waxay intaa ku dareen in mid ka mid ah dadka lagu tuhun sanyahay dilka gabadhaha uu xirnaa dhar Mad-madow,waxaana la sawiray isaga oo labadiisa gacmood kula jira jeebabkiisa, shan iyo toban daqiiqo markii uu boolisku soo gaaray goobta shilku uu ka dhacay Dhismaha 3200-aad ee jidka McCarthy ee Ottowa, waxaa kaloo isla goobtaasn lagu qabtay qof kale oo dhalinyaro ah, waxaana la arkayay isagoo gacmaha laga xiray, oo wajiga dhulka loo dhigay.
Gabagabadii, Labadan gabadhood waxaa dhalay Prof C/raxmaan Axmed Nuur (Dr Sulub) oo ah asaasaha xarunta Hoggaaminta Dr Sulub ee magaaladda Garoowe, sidoo kalena waa professor wax ka dhiga jaamacaha dalka ee ka jira, gaar ahaan Garoowe
Comments are closed