Mugabe oo doonaya isaga oo 94 jir ah in uu Madaxweyne u tartamo!

mugabiZimbabwe (NN) 18/12/2016

Hoggaamiyaha ugu da’da weyn hoggaamiyaasha caalamka, Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa Xisbigiisa ZANU-PF mar kale sheegaen in uu yahay musharaxooda xilka Madaxweynaha.

 

Mugabe ayaa hadda jira 92 sano, waxaana doorashada danbe uu jirayaa haddii uu gaaro 94 sano xiligaas oo la shewegay in ay dhacayso tartan Madaxweyne. Mugabe wuxuu oggolaadey soo jeedinta Xibigiisa, waa in la xurmeeyaa soo jeedinta xisbiga ayuu yiri Mugabe.

Mugabe ayaa ah Madaxweynihii labaad ee dalkiisu yeesho tan iyo markii uu xornimada ka qaatey dalka Ingriiska.

Waxaa la aaminsan yahay in xaaladda caafimaad ee Mugabe aysan wanaagsaneyn, hasae yeeshee wuxuu go’aansadey in uu Zimbabwe u taliyo ilaa qabriga la geyn.

Dhaqaalaha dalka Zimbabwe ayaa ah mid aad u hoseeya, shaqo la’aanta ayaa lagu tilmaamaa in ay gaartey 90%, shirkado badan ayaa musalafey kuwo kalena dalka waa isaga carareen.

Comments are closed