Xammas oo ku eedeysey Israel dilka Injineerkeedi diyaaradaha Drones-ka

zawariFalastiin (NN) 18/12/2016

Ururka hubeysan ee u dagaalama xoreynta Falastiin ee Xamaas ayaa ku eedeeyey Israel, dilkii loo geystey Maxamed al-Zawari oo ahaa khabiir ku xeel dheer sameynta diyaaradaha aan cidna wadin ee hubeysan ee loo yaqaan Drones-ka.

Zawari oo ahaa 49 jir ayaa maalintii Khamiista lagu diley dalka Tuurniisiya, waxaana rasaas looga furey madaxa, gurigiisa hortiisa magaalada Sfax.

[AdSense-A]

Xammaas ayaa sheegtey in dilkaan ay soo abaabushey Dowladda Israel, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay u aargudi doonaan Khabiirkooda dhanka diyaaradaha cirka.

Afhayeenka Garsoorka magaalada Sfax ee dalka Tuurniisiya Mourad Tourki ayaa raadiyaha Tuuniisiya ee Shems u sheegay in ugu yaraan 8 qof oo u dhashey dalka Tuuniisiya dilka loo qabtey. Sidoo kale waxaa dilan loo qabtey Suxufi u dhashey Tuurniisiya kaas oo lagu qabtey dalka Hangeeriya , waxaana lala qabtey nin ku shaqeeya Kaamarada.

Xammas ayaa dilkiisa kadib sheegtey in uu kamid ahaa ciidankeeda rasmiga ah muddo 10 sano ah, waxaana ay sheegeen in uu ka qayb-qaatey guul Xamaas ay ka gaartey dagaal ay la gashey Israel sanadkii 2014.

Comments are closed