Sanadkii 2013 ayaa tirada wariyeyaasha ah ee sida bareerka ah loo dilay ay ugu sareysay. Si kastaba ha ahaatee kuwa ku le’day dagaalada ka holcaya bariga dhexe ayaa sanadkaan aad u badnaa iyo weliba sanadihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay ee ka dambeeyay kacdoonkii Carabta ideylkood.
48 saxafi ayaa hase ahaatee shaqadooda darteed loo dilay sanadkaan min Janaayo 1 ilaa 15ka Diseembar.
Si kastaba CPJ ayaa baaraya geerida 27 kale oo saxafiyiin ahaa oo iyana la dilay ayadoo CPJ baarayo bal in shaqadooda loo dilay ama in ay kama ku dhinteen.
In kabadan kala bar tirada guud ee saxafiyiinta sanadkaan la dilay ayaa dagaalo ku dhex dhintay balse aan ayaga si khaas ah loo bartilmaansan.
Dadka kale ayay wax la qabeen. Xabado habow ah ayaa dilay intooda badan wariyeyaasha dhintay sanadkaan kuwaasoo darafyada dirirtu ka dhaxeyso ay isweydaarsanayeen.
Dagaalada ka socda dalalka Muslimiinta ee Suuriya, Ciraaq, Yemen, Liibiya, Afghanistan iyo Soomaaliya ayaa galaaftay sanadkaan ilaa 26 saxafi kuwaasoo dagaalo kasoo waramaayay.
Comments are closed