Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa

2016121963617716688549763420161219636177127265875900refugeespic660Kenya (NN) 19/12/2016

Dawlada Kenya ayaa diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa si ay meesha uga saarto dad aanan qaxooti ahayn balse doonaya inay sidii qaxootigii wax u helaan.

Wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa amar ku bixiyay in dib u eegidaa la sameeyo si loo kala garto qaxootiga iyo dadka deegaanka ah ee ku laban. Wuxuu kaloo doonayaa wasiirku in dadka labo labo jeer is diiwaan gashay la ogaado.

Waxaa intaa dheer in ladoonayo in lagu ogaado dad qaxooti ah oo sidii Kenyan u diiwaan gashan.

“Waxaa dadka labada jeer diiwaan gashan ku jira qaxooti isu diiwaan gashay sidii Kenya iyo Kenyan iyana sidii qaxooti isu diiwaan gashay,” sidaa ayuu yiri Nkaissery oo uu bayaan ku sheegay.

Wuxuu sheegay wasiirku in hannaankaasi ka bilaabanaayo xeryaha Dhadhaab maanta Isniin taariikh 19 Diseembar 2016.

 

Comments are closed