Kulan Lagaga Hadlayay Balaadhinta Adeega Bangiga Ganacsiga Itoobiya Oo Ka Dhacay Jigjiga

0000ahk1JIGJIGA (ESTVLIVE.COM) 19/12/2016

Waxaa maanta ka dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kulan lagaga hadlayay sidii loo  balaadhin lahaa  adeega uu bixiyo bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya qaybtiisa DDSI.

Waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, masuuliyiinta ugu saraysa bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya, masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ee ay bahwadaagta yihiin bangigan iyo masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI.

0000ahk2Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidi loo balaadhin lahaa adeegyada uu bixiyo bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya, xoojinta hanaanka looga faa’iidaysanayo daynta bilaa ribada ah ee uu bixiyo bangigan ganacsiga ee dalkeena itoobiya.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo ka hadlay furitaankii kulankaasi  ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay  bangigani wuxuuna sheegay in uu siwayn uga qayb-qaadanayo dadaalada loogu jiro sidii loo tir-tirilahaa saboolnimada islamarkaana loo hirgalin lahaa  horumar waara oo dhinac kasta leh. Madaxwayne ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya uu hadda balaadhinayo xurumaha/laamaha uu ku leeyahay degmooyinka deegaanka si adeega uu bixiyo ay uga wada faa’iidaysato bulshada

Comments are closed