Xaaladda Dalka Kongo Kinshasa oo Kacsan

kongo-jpgKongo (NN) 19/12/2016

Kumaankun hubeysan oo isuguy jira Boolis iyo kuwa sida gaarka ah loo tababaray ayaa banaanka iyo dariiqyada loo soo bixiyey dalka Kongo-Kinsasa. Maantey waxaa xiligu ka dhamadey Madaxweyne Joseph Kabila, ma muuqato wax doorasho ah oo dalka laga qabanayo, waxaana khatar weyn ku jira amniga dalka iyo in rabshado ka bilowdaan.

– Waxaa jira khatar aad u weyn in ay qarxaan rasbshado aad u waaweyn dalka oo dhan maalmaha soo socda, sidaas waxaa yiri Kenneth Roth oo ka tirsan hay’adda xuquuqda Aaadanaha ee HRW.

Caasimadda dalkaas ee Kinsansa ayaa dadku bilaabeen in ay iibsadaan wax alaale iyo wixii cunno ah oo ay u baahnaan karaan muddo dheer, waxaana ay ka cabsi qabaan in dukaamadu xirmaan. Waregsyka The Guardian ayaa sheegaya, diyaaradaha dalka tegaayey iyo kuwa ka soo baxaayey maalmihii u danbeeyey waxay ahaayeen kuwo faaruq ah, sidoo kale waxaa dalka laga saarey qaar kamid ah Diblomaasiyiiinta shisheeye.

Doorashada oo dib u dhacdey

Doorashada Kongo-Kinshasa ayaa lagu wadey in ay dhacdo bishii la soo dhaafey ee Nofeembar, laakiin Madaxweynaha weli xilka haya ayaa dib u dhigey doorashada, waxaana uu sabab ka dhigey cilado dhanka cod bixinta ka jirta iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Sida uu qabo sharciga dalkaas Kabila isma sharixi karo mar saddeexaad, laakiin Kabila ma doonayo in uu xafiiska baneeyo waana sababta keentey in uu doorashada xiligeedi ku qaban waayo.

Comments are closed