Socdaalkii Allaw Jilaalka Gu Noogayeel Oo Ku Sugan Degmada Xarshin

1Xarshin (NN) 20/12/2016

Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee ku guda jiray socdaalkii allaw jilaalka gu noogayeel ayaa kadib kulan ay la qaateen waxgaradka iyo odayaasha degmada daroor booqday ceelka biyaha ee laga qodayo duleedka magaalada daroor, Iyagoo waftigu uga anbabaxay dhanka degmada xarshin.

 

2Hadaba madaxwayne CMC iyo waftigiisa ayaa intay dhexda sii socdeen kulan la yeeshay shacabka degmada awaare islamrakaana usii dhaafay dhanka degmada yoocaale, Waxayna madaxwaynuha iyo waftigu intay dhexda sii socdeen uqaybinayeen raashin iyo biyo, Uguna ducaynayay bulshada inuu allah jilaalka gu ugu badalo.

3Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa xili habeenima ah soo gaadhay degmada xarshin ee gobolka faafan, Iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan degmada xarshin ee gobolka faafan.

 

Comments are closed