Jarmalka oo ku raad jooga nin lagu tuhusan yahay weerarkii Berlin

download-1Jarmalka (NN) 21/12/2016

Booliiska Jarmalka ayaa raadinaya nin reer Tunisia ah oo lagu magacaabay Anis oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Berlin, sida ay sheegtay warbaahinta.

Sida ku qoran warqada aqoonsiga oo waddanka lagu joogo oo laga helay gaariga weerarka lagu fuliyay dhexdiisa, ninka ayaa ku dhashay 1992 magaalada Tataouine, ayay sheegayaan wararka.

Howlgalka boliiska waxaa uu  ka socdaa gobolka North Rhine-Westphalia ee laga bixiyay warqada waddanka uu ku joogay.

Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka lagu tuhunsan yahay laga yaabo inuu ku dhaawacmay markii uu la dagaalamay darawalkii baabuurka.

Sida uu sheegay wargayyada Allgemeine Zeitung iyo Bild, ninka laga shakisan yahay oo da’diisa tahay 21 ilaa 23 ayaa lagu yaqaanaa saddex magac oo kala duwan.

12 qof ayaa dhintay 49 kalena waa ay dhaawacmeen markii gaari lagu dardarsiiyay dad jooga suuqa Breitscheidplatz ee Kirismaska.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay in ay ka danbaysay weerarka, laakiin wax cadayn ah ma sheegin.

Waxaa soo baxday in darawalkii baabuurka in laga yaabo in uu la dagaalay ninka weerarka qaaday markii gaariga lagu weeraray dadka.

Ugu danbeyntii, darawalkii gaariga oo u dhashay Lukasz Urban oo u dhashay Polish, ayaa laga helay maydkiisa gaariga, isagoo ay ku yaalaan dhaawac xabad iyo mindi.

Comments are closed