Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay suuq ku yaala caasimada dalka Mexico

downloadMexico (NN) 21/12/2016

Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico. Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud.dowladda ayaa sheegtay in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen. Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada, oo ahaa kuwo is xig xigay oo aad u culus. Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa. Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray. Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed,

 

kaddib markii ay maqleen qaraxyada. Ugu danbeyntii, Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii. Qaraxyada ayaa siddoo kale imanaya xili labadii cisho ee la soo dhaafay daafaha dunida ay ka dhaceen weeraro kala duwan oo dhamaantood lagu tilmaamay in ay ahaayeen falal argagixiso.

Comments are closed