Xisbiga WADDANI oo ka jawaabay eedeyn uga timid xukuumada

20161221636178838681808480ciro11Hargeysa (NN) 21/12/2016

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro, ayaa jawaabo kulul ka bixiyey hadalo soo yeeray wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliland Maxamed Bixiile Boqore oo sheegay mas’uuliyiinta weftiga WADDANI ee Nayroobi ku tilmaamay in aanay diblomaasiyadda wax ka aqoonin, isla markaana haddii aanu gudoomiyaha Baarlamaanka ahayn ay xukuumad ahaan xidhi lahaayeen.

Xukuumada iyo xisbiga taladda haya ee KULKMIYE ayaa dhaliilay weftiga hogaanka xisbiga WADDANI ku tagay wadanka Kenya, waxaanay sheegeen in ay khalad ahayd in xibsi mucaarad wadan shisheeye ah kula shire beesha caalamka.

“Waxa aad ka warqabteen oo qalabka warbaahinta kala socoteen in aanu dawlado badan la kulanay safaaradahoodii ku yaalay Nayroobi oo aanu illaa todoba safaaraddood kula soo kulanay, urur-goballeedka IGAD, mas’uuliyiin kale iyo xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka wadanka Kiinya iyo mas’uuliyiin kale ba. Intaas oo dhan waxa aanu ka hadlaynay waxa ay ahayd abaarta iyo siddii looggu soo gurman lahaa, waxa aanu ka hadlaynay waxa ay ahayd in abaartan sannad walba soo noqnoqnaysa wax loogga qaban lahaa oo imika uun aan ahaynee laakiin mustaqbalka na wax laga qabto, waxa aan is lee nahay arrimahaasi may ahayn kuwo cid dhibaaya oo waxa ay ahayd gurmad qaran oo loo baahnaa oo la sameeyey”ayuu yidhi Cirro oo ka hadlayey safarkii uu ku tagay dalka Kenya.Cirro oo u jawaabaya wasiirudawlaha arrimaha Dibadda Somaliland ee dhaliilay safarkoodda, waxaanu yidhi “waxa la yaable in mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE in ay arrintaas ay khalad dadka ugu dhigaayeen, waxa aan yara dhageystay maanta nin wasiiru-dawle ka ah wasaaradda arrimaha dibadda oo yidhi diblomaasiyaddaan wax ka aqaanaa, markaa markaan hadalkiisa dhageystay waxa aan is lee yahay A.B.C na kama yaqaano diblomaasiyadda, waxaana arrintaas marag ka ah in uu cajaladiisa dib u dhageysto uun, hadalkiisii oodhan meel kaliya oo la soo qaado oo la odhan karo diblomaasiyadduu meel ka soo galaa muu jirin, waxa ay ila tahay waxa uu ahaa uun odey aad loo canaantay, markaa waxa aan lee yahay odeyga canaanta ha laga daayo dalka na ha loo shaqeeyo, waxaana aanu diyaar u nahay in aanu Xukuumadda la wadaagno wixii aanu soo shaqeynay oo aanu u sheegno, waxa aanu diyaar u nahay in aanu la shaqeyno, wasaaradda arrimaha dibadda na aanu la shaqeyno oo bal wixii aanu soo qabanay ay naga waraystaan ayaanu u baahan nahay, odeygaasi na diblomaasiyaddaas uu lee yahay KULMIYE ayaan u dhigayaa ha u dhigo.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu meesha ka saaray in safarkaas ay ugu maqnaayeen magaalada Nayroobi uu ahaa safar hagar-daamo ku ah qaranka balse uu ahaa safar ay ku soo badbaadinaayeen qaranimada Somaliland, waxaana uu yidhi:”Walaale-yaal waxa aanu shacabka Somaliland u sheegaynaa in aanu gurmad ugu maqnayn oo aanan hagar-daamo ugu maqnayn, waxa aanu diyaar u nahay in qarankan aanu badbaadino, waxa aanu weli ba diyaa u nahay in aanu wax badan la qabano haddii aanay iyagu sas ka qabin in aanu la shaqeyno, waxaana aanu diyaar u nahay in aanu gacmaha isku qabsano siddii dalka loo badbaadin lahaa, abaarta looggu gurman lahaa, Illaahay na waxa aan ka baryeynaa in uu roob khayr qaba ina wada siiyo.”

Ugu dambeyntiina, Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in qaar ka mid ah wadamadii ay kula soo kulmeen magaalada Nayroobi ay si deg-dag ah uga soo jawaabeen codsigii ay gaadhsiiyeen, isaga oo sida oo kale na rajo fiican ka muujiyey wadamadii kale ee ay iyaga na u kala hadleen arrimahaasi.

“Dhammaan wadamaddaas aanu fariinta gaadhsiinay haddii ay tahay dawladda  Carabta iyo wadamada kale ba, waxa ay qaarkood noo sheegeen siddii aad warbaahinta kala socoteen in ay go’aankoodii ku gaadheen in ay ka qeyb-qaadanayaan gurmadkaas abaaraha oo ay dhaqaale ku bixinayaan haddii ay yihiin Ingiriiska, Jarmalka iyo Sucuudiga intu ba, waxaana aanu rajeynaynaa in wadamada kale na ay arrimahaas jawaab deg-dag ah ka soo bixiyaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Weftiga balaadhan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha wakiiladda Wakiiladda C/raxmaan Cirro ayaa tobaneeyo cisho ku maqnaa wadanka Kenya, waxaanay sheegeen inay beesha caalamka la soo kulmeen, isla markaana usoo gudbiyeen sidii abaaraha ka jirta Somaliland gacan uga gaysan lahaayeen.

 

Comments are closed