DAAWO Germany: Magaca iyo Sawirka Ninka lagu tuhunsan yahay weerarkii Berlin oo la shaaciyey – VIDEO

baadigoob-weerarkii-berlin2Germany (NN) 22/12/2016

Dowlada Germany ayaa shaacisay magaca iyo Sawirka ninka la rumeysan yahay inuu geystay weerarkii habeenkii isniinta ka dhacay bartamaha magaalada Berlin.

Ninkan la baadi goobayo ayaa la sheegay inuu yahay baxsad, waxaana magaciisa lagu sheegay Anis Amri oo ah 24 sano jir u dhashay dalka Tunisia.

  [AdSense-A]

Booliiska Germany ayaa sheegay in ninkan uu sanadkii hore 2015 uu kamid ahaa qaxootigii yimi dalka Jarmalka, hase yeeshee loo diiday sharciga lana doonayey in dib loogu tarxiilo wadankiisa.

Sirdoonka Germany ayaa bishii Maarso illaa iyo bishii September ee sanadkan baaritaan iyo dabo gal ku sameeyey ninkan kadib markii loo sheegay inuu baadi goobayo hub uu weerar ku geysto, tan iyo September ninkan waa lala’aa meel uu ku sugan yahay.

Xukuumada Germany ayaa sheegtay inay abaalmarin gaareysa 100 kun oo dollar siin doonto qofkii soo sheega goobta uu ninkan ku sugan yahay.

Ciidanka ayaa horey u qabtay nin asal ahaan u dhashay dalka Pakistan balse qofkaasi ayaa lasii daayey kadib markii wax danbi ah lagu waayey.

Weerarkii Berlin oo loo adeegsaday gaari xamuulka qaada oo lasoo xaday ayey ku dhinteen 12 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 qof oo kale. Waxaana gudaha gaarigaasi laga helay meydka Darawelkii gaariga laga xaday. Kooxda Daacish ayaa iyadu sheegatay in ay weerarkan soo abaabushay.

Comments are closed