Isbaheysiga jaaliyadaha gobolka Minnesota ayaa abaalmarinta shakhsiga sanadka 2016 guddoonsiiyay Injineer Jibriil Afyare oo ah guddoomiyaha ururka Somali Citizen’s League, kana mid ah xubnaha firfircoon ee u dooda xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka.
Isbaheysigan oo ka kooban jaaliyadaha qoomiyado kala duwan oo ay ku jirto Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in kaddib markii ay arkeen caawimaada iyo taakuleynta uu Jibriil u fidiyay dadka badan oo Soomaaliyeed oo gobolkan ku nool inay u aqoonsadeen shakhsiga sanadka 2016, iyadoo dhinaca kale uu Jibriil sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay.
“Waa mas’uuliyad ina wada saaran inaan dadkeenna kaalmeyno, waayo haddii aynaan inagu u turjumin, oo u tilmaamin meelaha ay u socdaan oo aynaan gacan qaban ma jirto cid kale oo ay caawimaad ka helayaan” ayuu yiri Jibriil oo intaas ku daray “Waxaan ku baaqayaa in qof kasta wakhtigiisa uu qeyb bulshada ka siiyo, si looga hortago caqabado badan, loona xalliyo baahiyo badan oo ka dhex jira jaaliyada Soomaaliyeed”
Abaalmarintan oo sanadkiiba mar la bixiyo waxaa sidoo kale u tartama xubno dhowr ah oo oo qaarkood laga soo xulo jaaliyadaha kale ee aan Soomaalida aheyn, waxayna dhiirro galin u tahay shakhsiyaadka wax qabadka leh, isla markaana ay hoggaamintoodu wanaagsan tahay.
Bilihii ugu dambeeyay waxay Soomaalida gobolka Minnesota soo wajahay culeys kaga imaanayay dadka cunsuriyiinta ah, waxaana Jibriil uu ka midyahay xubno dhowr ah oo soo bandhigay dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida iyo sidii loo xallin lahaa.
Comments are closed