Tababarkaa oo loo qabtay barayaasha, maamuulayaasha, kormeerayaasha ka socday 16 degmo iyo 6 maamul magaalo, qaarka mid ah kuliyadaha DDSI iyo khabiirada xafiiska waxbarashada DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo ka warbixiyay dadaalada loogu jiro ka midho dhalinta geediga horumarka isaga oo sheegay in si loo xoojiyo nidaamka waxbarashada la xaqiijiyo tayada barayaasha deegaanka. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in xafiiska waxbarashada DDSI dadaal dheer galiyay tayada waxbarashada deegaanka iyo in uu xooga saaray soo saarida barayaal ku gaashaaman aqoon dheeli tiran oo soo saarikara arday anshax iyo aqoon leh wuxuuna ku booriyay tababartayaashan in mudada uu socdo tababarku ka faa’iidaystaan si ay gashi horumarineed ugu noqoda guud ahaanba tayada barayaasha deegaanka.
Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka shatibixinta iyo dib u cusboonaynsiinta xaqiijinta xirfada barayaasha ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Axmed yuusuf Nuur oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani taasi oo uu sheegay in uu yahay tababar lagu hirgalinayo xaqiijinta fulinta fasaxa barayaasha, maamulayaasha iyo kormeerada iyo guud ahaanba hogaaminta dugsiyada . Wuxuuna sheegay in uu tababarkani soconayo muddo 2maal-mood ah.
Comments are closed