Askar badan oo xalay hawlgalo ka fuliyey magaalada Duisburg ee Galbeedka dalkaasi Germany ayaa xiray labo wiil oo walaalo ah oo kasoo jeeda dalka Kosovo.
[AdSense-A]
Labadan wiil ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa inay weeraraan suuqa weyn ee ku yaal magaalada Oberhausen oo Galbeedka dalkaasi oo lagu tilmaamo suuqa ugu weyn ee dalalka Midowga Yurub oo xiliga Kirismaska isugu yimaadaan dad aad u badan.
Booliiska weli faah faahin dheeraad ah kama bixin hawlgalkan dhacay xalay, balse waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyey amniga wadankaasi Jarmalka, kadib weerarkii habeenkii isniinta ka dhacay magaalada caasimada ah ee Berlin.
Waxaa dhinaca kale weli baadi goob loogu jiraa ninkii lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey weerarkii Berlin oo kasoo jeeda dalka Tunisia kaasi oo la sheegay inuu weli yahay baxsad.
Comments are closed