DAAWO Syria: Ciidamada Dowlada oo la wareegay Aleppo – VIDEO

siiriyaSiiriya (NN) 23/12/2016

Ciidamada Dowlada Bashar Al Assad ayaa gebi ahaan la wareegay magaalada Aleppo (Xalab) oo ay dagaalo culus ka socdeen muddo ku dhaw lix sano.

 

Askarta Dowlada ayaa qeybihii ugu danbeeyey ee bariga magaalada Aleppo la wareegay halkaasi oo ay isaga baxeen shacabka iyo kooxaha Mucaaridka hubeysan ee la dagaalamayey dowlada.

[AdSense-A]

Xukuumada Bashar Al Assad ayaa guusha Aleppo ku tilmaamtay mid bilow u ah soo afjarida dagaalka ka socda Siiriya, wallow kooxaha mucaaridka oo iyagu weli isku aruursanaya deegaanada kale sida gobalka Idlib oo ay jaar yihiin Aleppo.

Guusha Xukuumada Bashar Al Assad ayaa timid kadib markii ay taageero weyn oo military ka heleen Ruushka, Iran iyo kooxda Shiicada ah ee Xisbullah.

Comments are closed