Kullankan oo inta badan xildhibaanadu reer Puntland ay ka qaybgaleen ayaa ahaa casho sharaf uu sameeyay Madaxweynaha Puntland, waxaa kaloo ka qaybgalay, masuuliyiin ka mida goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka mida Dawlada fadaraalka.
[AdSense-A]
Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa golaha shacab, isagoo ku booriyey masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxadaleh ee shacabkoodu ka sugayaan.
‘’waa xaqiiq waxa idiin soo doortay shacabkinii waxayna idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo intaa sii raaciyay
“soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka, waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed, waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynu ku adkeeyey xildhibaanada inay markasta ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara jiritaanka dawladd nimo Soomaliyeed, isla markaana ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.
Gabagabadii, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Gaas waxay ka mid yihiin hoggaamiyayaasha madasha qaran oo kullan ug socda magaaladda, kaasi oo laga doodayo doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo mid madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale dib u dhacday, taasi aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin xiliga la qabanayo.
Comments are closed