Amal Bank oo 10,000 oo doolar ugu deeqday guddiga abaaraha gobolka Mudug

hMudug (NN) 24/12/2016

Amal Bank ayaa 10,000 (toban kun) oo dollar oo ay kaga qayb qaadanayso abaaraha ka jira gobolka Mudug ugu deeqday gudiga abaaraha gobolka Mudug.

 

Marar hore ayey intii ay abaarahan jireen ay bahda Amal group oo ay ka mid yihiin Amal Bank iyo Amal Express ay bixiyeen deeq lacageed oo ay ugu gurmanayaan bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool meelo kala duwan oo Somalia ah.

 

[AdSense-B]

Waxaa aad loo amaanaa doorka muuqda ee Amal bank uu ku leeyahay hormarinta bulshada iyo ka qayb qaadashada arrimaha bulshada.

Bahda Amal group ayaa aad uga caawisa bulshada dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo meelaha kale ee bulshadu markaas ka liidato.

Amal group ayaa free ka dhigtay dhamaan lacagaha abaaraha loogu talo galay oo laga soo dirayo qaybaha kala duwan ee caalamka kuna socda accountska gurmadka abaaraha.

Hal ku dhiga Amal Bank ayaa ah Hamiladeenu waa hormarkaaga.

Amal Bank wuxuu dugsadaa taariik fac weyn oo dib ugu laabanaysa dhammaadkii qarnigii la soo dhaafay.

Wuxuu Amal Bank si rasmi ah uga diiwaangashan yahay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bangiga Amal waxaa hormuud ka ah xeel dheerayaal qaarkood ay leeyihiin khibrad dhanka bangiyada ah oo sare u dhaafaysa 30 sano.

Comments are closed