kulankan oo ay hogaaminasay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed faarax ayna ka soo qaybgaleen gudiga sare ee isku dhafka ah ee heer deegaan iyo heer federaal ayaa waxaa lagu gorfayanayay qorshe hawleedka loogu diyaar garoobayo munaasabada 16aad ee xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya taasi oo ah munaasabad 2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, canfarta, oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya. Iyada oo ay gudiyadu ku soo bandhigayeen heerka ay marayso qorshaha diyaar garowga xuskan.
[AdSense-A]
Xukuumada DDSI ayaa si meeqaam sare ah oo dhinac kasta leh ugu diyaar garowday martigalinta munaasabadan maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya oo markii 16aad lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga marka ay taariikhtu tahay 17ka bisha dir, 2009TI. oo ay wakhti kooban inaga xigto iyada oo si qurux badan oo casriya loo diyaariyay madasha ay ka dhacayso munaasabada oo ah garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga taasi oo la dhigay Rooga casriga ee la dhigo garoomada caalamka.
Comments are closed